Skip to main content

Soomaali

Ogoow xuquuqahaaga Markaad Wajahayso Hay'adaha Sharcifulinta Socdaalka

Dastuurka Mareykanku wuxuu u dammaanad qaadaa xuquuqo aasaasi ah qof kasta oo ku sugan waddankan, iyada oo aan loo eegin xaaladdiisa socdaal 

Hoos waxaad ka helaysaa xuquuqahaaga aasaasiga ah marka aad si rasmi ah u joogto Waddanka Maraykanka. Haddii aad tahay soogalooti, waa inaad ogaataa xuquuqahaaga haddii aad la kulanto laanta sharci fulinta ama wakiilka socdaalka (ICE):

Waxaad xaq u leedahay inaad aamusnaato.

● Waxaad xaq u leedahay inaad aamusto. Haddii aad rabto inaad adeegsato xaquuqdaan, cod dheer ku dheh.

● Waxaad xaq u leedahay in lagaaga jawabo su'aal kasta oo aad qabto.

● Waxaad xaq u leedahay in aadan waxba ka sheegin halka aad ku dhalatay ama sida aad ku soo gashay Maraykanka.

Waxaad xaq u leedahay in aad la hadasho qareen.

● Islamarkiiba codso qareen. Waxaad odhan kartaa "waxaan u baahan nahay inaan qareen la hadlo."

● Waxaad wadan kartaa qareenkaaga haddii ICE ama hay'ad kale oo sharci fulinta ah su'aalo ku waydiinayaan.

● Haddii ay ku xiraan saraakiisha hay'adda socdaalka, waxaad xaq u leedahay inaad la tashato qareen, laakiin dawladda waajib kuma ah inay qareen kuu keenaan. Waxaad waydiin kartaa liiska talooyin sharciyeed oo qiimo jaban oo aad heli karto.

● Waxba ha saxiixin illaa adiga oo la hadla qareen maahane. ICE waxay isku dayi karaan inay kugu dirqiyaan inaad iska dayso xuquuqdaada helitaanka qareenka ama xaakin. Hubi inaad fahamto waxa ku qoran dukumeentiga ka hor inta aadan saxiixin.

Uma baahnid inaad furto albaabkaaga adiga oo aan arkin damaanad sax.

● Si loogu oggolaado inay gurigaaga soo galaan, ICE waa inay wataan amar qabasho ah oo soo saxiixay xaakinka oo ay ku qoran yihiin magacaaga iyo cinwaankaaga saxda ah.

● Ha furin albaabkaaga illaa wakiilka ICE ku tuso amarka qabashada saxda ah.

● Haddii wakiilka ICE rabo inuu ku tuso amarka qabashada, waxay kaa dhex tusi karaan daaqadda ama waxay kaaga soo dusin karaan albaabka hoostiisa.

● Haddii boolisku ay sitaan amar soo-xirid ah, sharciga ayaa u oggol inay galaan guriga qofka waaranka ku qoran haddii ay aaminsan yihiin in qofku guriga ku jiro. Laakiin amarka qabashada saarista/musaafurinta (Foomka I-205) waxa laga yaabaa inaanu booliska u oggolaan inay galaan guriga haddii aanay jirin xaalado lagama maarmaan ka dhigaya (tusaale, khatar soo wajahaysa dadwaynaha, inay suurtogal tahay in caddayn la qarinaayo) ama aanu milkiilha guriga oggolaan.

Had iyo jeer wado wixii waraaqo aqoonsi ama socdaal sax ah oo aad haysato karto.

● Haddii aad ka wayn tahay 18, marwalba sido waraaqahaaga.

● Haddii aad haysato rukhsad shaqo oo shaqeynaysa ama kaarka daganaashaha joogta ah (green card), hubi inaad wadato waa intaas oo aad u baahato inaad tusto aqoonsi ahaan darteed.

● Haddii aadan ahayn muwaadin Maraykan ah oo wakiil hay'adda socdaalka ka socda kaa codsado waraaqahaaga socdaalka, waa inaad tusto haddii aad wadato.

● Haddii sarkaal socdaal kaa codsado hadii uu ku baari karo, waxaad xaq u leedahay inaad maya tiraahdo. Saraakiishu xaq uma laha inay ku baaraan ama hantidaada baaraan oggolaansho la'aan ama haddii aanay jirin sabab kale oo macquul ah.

● Waxaa lagula talinayaa inaad dukumentiyada socdaal ee dal kale bixiyo aad kaga tagto guriga, sida baasaboorka dal kale. Waraaqahaan waa laguu adeegsan karaa marka nidaamka musaafurinta la wado.

● Ha qaadan oo ha wadan wax waraaqo foojari ama been abuur ah.

● Marwalba wado kaarka ogow xuquuqahaaga si uu kaaga caawiyo adeegsiga xuquuqahaaga haddii ay saraakiisha ICE ama boolisku ku joojiyaan.

La yeelo qorshaha xaalada degdeg ah qoyskaaga, la sii xiriir qareen, maskaxda ku xafid ugu yaraan hal lambar taleefoon ah oo xaaladaha degdega aad u adeegsan karto.

AFEEF SHARCI: Dukumeentigaan waxaa loogu talagalay ujeedooyinka macluumaadka guud oo keliya. Waxa ku qoran ma ahan talo sharciyeed. Haddii aad u baahan tahay la talin sharciyeed, fadlan la xiriir qareen.